News
Xilibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ee DFKM oo maanta iska casilay
Boosaaso:Xilibaan ka tirsanaa Baarlamaanka ee DFKM oo lagu magacaabo Siciid Xassan Shire ayaa waxaa u maanta shaaciyey in uu ka baxay Golaha Baarla maanka DFKM, Xilibaankaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu dhaliil u soo jeedieyy maxada DFKM oo uu ku eedeeyey wax qabad la,aan iyo in ciidanka DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ay sugu waayeen amaanka Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Siciid Xassan oo ka mid ahaa baarlamaanka DFKM ayaa waxaa uu shir jaraaid ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,xilibaankaan ayaa sheegay in DFKM aysan lahayn siyaasad cad ama qorshe u degsan oo ay ku hanan karto in dalka ay la wareegto.
Xilbaan Siciid Xassan ayaa waxaa uu ku eedeeyey in Madaxda ugu sareysa ee DFKM in ay waqtigooda ku dhameeyaan in safaro dalka dibadiisa safaradaas oo uu xilibaanku ku tilmaamay kuwo aan dan u ahayn umada Soomaaliyeed.
Xilibaan Siciid Xassan ayaa waxaa kale oo uu shirkiisa Jaraaid u xusay in DFKM aysan waxba ka fulin balantii ahayd in ay shareecada Islaamka dalka lagu dhaqo waxaa kale oo uu sheegay in DFKM ay ka caga jiidayso in ay wada hafal la furto xooagga dagaalka kuala jira DFKM iyo AMISOM.
Xilibaan Siciid Xassan ayaa saxaafada u sheegay in maanta ka dib uu yahay qof shacab ah oo ka mid ah shacabka reer Puntlland wax xili ah ama masuuliyada ahna uusan ka hayn DFKM balse waxaa uu sheegay in ay dhici karto in uu xil ka qabto dowlada Puntlland haddii wax xil ah loo magacabo.
Ma.ahan markii ugu horaysay oo xilibaan ka tirsan DFKM uu iska casilo xubin nimada Golaha Baarlamaanka DFKM, horay ayaa waxaa xilka xilibaanimo ee Golaha DFKM uga baxay xilibaan Saalaxa Badbaado oo ka soo jeeda Gobolka Togdheer isagoo isku dhiibay Ururka Xizbul Islaam oo ah Urur dagaal kula jira DFKM iyo AMISOM.


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







