News
Dugsiga Abuubakar Sadiiq oo xaflad qalinjabina u dhigay 20 arday oo quraanka dhameeyey (Daawo Sawiro )
Minnesota:-Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota ayaa waxaa ka dhacday Xaflad qalin jabina Sabti, March 13,2010 oo loodhigay dayarta qurbaha ku dhalatay ee Soomaliyeed dhalin yaradaan ayaa Quraanka xiftiyey oo dhameeyey waxayna ka qalin jabiyeen Dugsiga Abuubakar Sadiiq ma ahan markii ugu horaysay ee ay Macalimiinta iyo howl wadeenada Dugsiga Abuubakar Sadiiq ay soo bandhigaan ee sanadkii hore bishii Augusto ayaa waxaa quraanka ka qalin jabiyey 14 arday hase yeeshee galabtay waxaa qalin jabiyey 20 arday.
Gabdhaha Dugsiga abuubakar ka qalin jabiyey quraanka March 13.2010
Xafladaan qalin jabinta waxaa lagu dhex daadihinayey culumuudta kale ee diinigaa ee ay ardaydu dugsiga ka qaataan waxaana ka mid ahaa Cilmiga Xadiith ka oo iskugu jira Sanadka xadiithka iyo macaanida xaadiithka , qaybo xiftif ah iyo Cilmiga Tajwiidka, Macalimiinta Dugsiga Abuubakar ayaa meesha ka saaray in aysan quraanka xiftin karin dayarta qurbaha ku dhalatay ama ku koray.
Wiilasha Dugsiga Abuubakar ka qalinjabiyey quraanka March 13.2010
Waxaanan meesha ka marnayn aqoonta diinigaa taas oo dhalinyaradu iswaafajiyeen aayaad quraanka ku jira iyo maadada sayniska iyo culuum kale oo maantay dunidu isticmaasho laakiin dhalinyaradu muujiyeen in quraanka lagu sheegay dhowr boqol oo sano ka hor. Waxayna u soo ban dhigeen si cilmiyeysan oo dood iyo aqoon is weydaarsi ayey isweydaarsanayeen kamana marnayn adilada iyo xujooyinka ku waas oo u badnaa ayaad quraan ah waxaa intaas dheeraa oo dadka soo jiitay asluubta iyo akhlaakh diineed ku dheehanaa dhalinyarada qalin jabinaysay iyo kuwa tartanka ka qayb galayey oo iskugu jiray gabdho iyo wiilal.
Waxaa xafladdaan ka qaybgalay dadweyna aad u fara badan qaarna ay farxad la damaashaadayeen halka kuwa kalana ay leeyihiin ma sugi karno in aan aragno ilmahayaga oo diinta allah ka qalin jabinaya ma ahan dareenka dadweynaha mid aan cabiri karo waxaase layaab ahayd sida barnaamijkaan la iskugu soo duba riday iyo culumuudta diinigaa oo aad u badnayd. dhanka kale waxaa ka qayb galay xafladdaan Culumada ugu waa weyn Gobalkan Minnesota oo qaarkoodna ay yihiin kuwa dunida Muslimka aad looga qadariyo kuna takhasusay quraanka kariimkaa waxaa ka mid ahaa Sh Waliid Idiris iyo Sh C/risaaq Xaashi iyo C/laahi Ibrahim iyo Sh C/risaaq Sancaani, waxaa goobta aanan joogin Sh C/raxmaan Sh cumar oo safar dacwo ku maqan hase yeeshee fariintiisa iyo hanbalyada soo mariyay hawada u dhaxaysa Gobalka Arizona iyo Minnesota oo Sh C/raxmaan ku sugan yahay waxaana dadweyna hanbalyadaas shiikha ka timid u sheegay Sh Sadiiq Macalin oo ah Maamulaha Masaajidka abuubakar sadiiq.
Barnaamijka sidii loo bilaabay hor dhiciisii Macalimiinta Halkaan ka dhagayso Sh, Waliid quraanka uu akhriyey Halkaan ka dhagayso Culuumta Diinigaa ee lagu tar tamay sida Kitaabka arbaciinkaa iyo cilmiga xadiithka Macalin Sh Hambaasi Halkaan ka dhagayso
Tartanka Cilmiga Tajwiidka Macalin Sh Xasan Halkaan ka dhagayso Sh C/risaaq Xaashi Halkaan ka dhagayso Sh C/laahi Ibtaahim Halkaan ka dhagayso
Sh C/risaaq Sancaani Halkaan ka dhagayso dhalinyarada quraanka ay meesha ka akhriyeen Halkaan ka dhagayso Masawiro Slideshow Halkaan ka Daawo
Masawiro si caadiya Halkaan ka Daawo Masawiradii 2009 Daawo
Magacyada Aradayda ka qalin jabisay quraanka dugsiga abuubakar
(1) Hibo Abdirashid
(2) Hasna Liban
(3) Hafsa Liban
(4) Awo Mohamed
(5) Sabira Ibrahim
(6) Sumaya Abdirashid
(7) Seinab Gelle
(8) Maryam Mohamed
(9) Maimuna Said
(10) Hamza Kayse
(11) Liban Khalif
(12) Naima Ahmed
(13) Fiican Wakow
(14) Abdirahman Abdulkadir
(15) Abdirahman Abdullahi
(16) Yahye Ahmed
(17) Zakariye Hashi
(18) Abdirahman Hashi
(19) Mohamed Hassan
(20) Suldan Yusuf


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







