News
Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Maalintii 2-aad ka socda Muqdisho & Dhinacyada kulugta leh oo ka hadlay.
Dagaalo Xoogan oo ay barbarsocdaan Madaafiic si xun loogu garaacay Xaafadaha ka baxsan Furimaha Ciidamada ayaa Maalintii labaad ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxayna ku fideen Degmooyin hor leh, waxaana guulo ka kala sheegtay qaar kamida Dhinacyadii uu u dhexeeyey.
Dagaalka ayaa Subaxnimadii Saaka dib uga bilowday Degmooyinka C/casiis iyo Shibis oo uu shalay oo dhan ka socday wuxuuna sidoo kale ku fiday Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana barbar socday Madaafiic ay ku hoobteen shacab badan oo Rayid ah kuwaas oo ay Duqeymaha AMISOM ku saameeyey Deegaanadooda.
Tiro kamida Taangiyada AMIOSM ayaa ka qeybqaadanayey Dagaalka Saaka ka dhacay Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis waxayna Ciidamada Shisheeye u qeybiyeen inta badan Degmooyinka Muqdisho Madaafiic Culculus oo waxyeelo xoogan u geysatay dadka Rayidka ah.
Cali Muuse oo kamida howlwadeenada Gaadiidka Gurmadka Degdega ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada in kabadan 83 Qof oo Rayida isla markaana ay arkeen dhimashada in kabadan 30 Qof oo Shacaba.
Mafac ku dhacay Xaafada Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay 4 qof oo isku qoys ahaa waaxaana sidoo kale duqeymuhu si xoogan ugu dheceen Yaaqshiid, Kaaraan, C/casiis, Shibis, iyo Xafadaha ay ka kooban yihiin Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag sida Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay dad badan ku waxyeeloobeen Madaafiic ay la dhaceen Ciidamada AMISOM taas oo sababtay in suuqa uu xirmo.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo DKMG ah ayaa Guulo ka kala sheegtay Dagaalada dhacay Maanta laakin waxaan dagaalka ka hadlin Ciidamada AMISOM oo ay Dabaabaadkoodu Dagaalka qeyb ka ahaayeen.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamud Raage( Sh Cali Dheere) oo saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay Dagaalka Maanta soo qaadeen Ciidamada AMISOM oo watay Tobanaan dabaabado ah wuxuuna carabaabay inay jilibka u dhigeen iskana difaaceen weerarkaas.
Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Guutada Qaraxyada Al-shabaab oo adeegsanaya Khidado Cusub ay Gubeen Taangi kamida Dabaabaadka AMISOM ee Dagaalka ka qeybqaadanayey.
Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga DKMG Yuusuf Indhacade oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyey Sheegashada Al-Shabaab wuxuuna tilmaamay inay dagaalka dhankooda guul kagaareen.
Dagaalada iyo Duqeymaha galay Maalintii labaad ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Qasaaraha ugu badan gaarsiiyey Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada, waxeyna dhibaatada ugu xoogani kadhalatay Madaafiicda Safmarka ah ee ay Ciidamada AMISOM mar walba la dhacaan Xaafadaha Shacabku ku badan yahay.


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







