Bare Cali Bare oo ahaa Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo goor dhow Muqdisho lagu dilay
Sarkaal xagga ciidanka oo ka tirsan Ururka Al-xizbul Islami laguna magacaabo Bare Cali Bare ayaa maanta, Salaadii Duhur wax yar ka hor lagu diley gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dilka sarkaalkan waxaa geystey rag ku hubeysnaa Bastooladu, sida dad goob joogayaal ahi ku warameen.
Afhayeenka, Al-xizbul Islami, Sh Maxamed Macalin oo ka waramey Dilka Bare Cali Bare, waxa uuna sheegay iney aad uga xun yihiin, ilaa iyo haddana ayna ka war heynin cid Dilkiisa ku lug leh.
Waxaa sidoo kale dilka Sarkaalkan ka Hadley, gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Al-xizbul Islami, Ibraahim Bare Cismaan, waxa uuna sheegay iney baaritaano dilkan ku aadan wadaan, balse ayna ogeyn cidda ka danbeysa.
Labada Mas’uul ee Dilka Sarkaalkan ka hadashey ayaa sheegay, Saxaafada iney dib warbixin ka siinayaan Markey baaritaanka Dilka Sarkaalkan ku aadan soo dhameeyaan.
Waxa uu dilkan qeyb ka noqonayaa kuwa soo noq noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho oo aan si rasmiya loo ogeyn cidda ku lugta ah.