index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Xiisad u dhaxeysa Beelaha Saleebaan iyo Ceyr oo ka taagan Degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararka laga helayo Degmada Xarar-Dheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ee u dhaxeysa labo beelood oo kala ah Beelaha Saleebaan iyo Ceyr ay ka tagan tahay deeganada Caamara iyo Bacaadweyne oo ka tirsan degmada Xarar-dheere gobolka Mudug.


Xiisadaani maanta la tibaaxayo in ay halkaasi ka taagan tahay ayaa waxa ka horeeyey dagaal fool ka fool ahaa oo shalay gelinkii danbe ilaa xalay ku dhaxmaray deeganadaasi labada beelod oo jilibka hoose ah.

Dagaalada ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen ilaa 4 ruux oo isku jiray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamay , waxaana sidoo kale ku dhawaxmay dad kale oo intaasi ka badan.

Beelaha ku dagaalamaya deegaanka bacaadweyne iyo deegaanada kale waxaa saakay lagu soo waramayaa in ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan kadib qeylo dhaan labada dhinac kala dirsadeen.


Dagaaladani labadaani beelood ayaa waxa ay noqdeen kuwa mar kala duwan ka dhacay deeganada Camaara iyo Bacaadweyne oo ay wada dagan yihiin labada beelood waxaana jira baaqyo iyo heshiiska ay horay beelahaasi loo dhaxdhigay hasa ahaatee ma noqon kuwa dhinacyada ay u hogaansamaan.

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

7 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.