index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Dagaal culus oo looga baqdin qabo Muqdisho iyo kooxaha Mucaaradka oo kala daadsan. (Warbixin)

Magaalada Muqdisho ee Casamida Soomaaliya ayaa labadii Maalmood ee ugu danbeyey laga dareemayaa dhqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ee Muqdisho.


Warar hoose oo laga helayo dowlada KMG ee Soomaliya ayaa sheegay in damaca dowlada uu yahay in weeraro culus ay ku qaado kooxaha mucaaradka xili kala daadsanaa ay ka dhax jirto mucaaradka.
 


Dowlada ayaa la sheegayaa in ay fursad u aragtay colaad horay qarsaneeyd ee uu daaha iminka qaadmay taasi oo dhaxtaala lixaadyada Mucaaradka ee kala ah Xisbul Islaam iyo Al Shabaab kuwaasi oo ah qabad kaliyah ee hortaagan hirgelida dowladdaShariif haba ugu darnaatee kooxdaAl Shabaab oo tayo ahaan iyo mabda,aanba ka adag Xisbul islaam.

Qaar ka mid dadka Soomaaliyeed ee si aad ka ah ugu nugul siyaadadaha Soomaaliya ayaa sheegaya iyana in dowlada ay heshay fursad horay loo saadaalinayey oo ah in colaada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ay soo dhalaasho.


Sidoo kale waxa ay waararku tilmaamayaan in werarka dowlada KMG uu yahay mid lala sugayey fursado sidaan oo kala ah , islamarkaana waxa haatan soo dedejiyey ay tahay tafaraaruqa kooxaha mucaaradka ka dhaxdhashay.

Intaasi oo dhan marka laga soo tago warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliaya Shariif uu wajiga ka dadbaday natiijo uu saadaaliyey taasi oo ah cabashada iyo qasaaraha dadka rayid ka ah xiliga dagaalka uu socdo, waxaana madaxweyne Shariif lagu sheegay in uu wax badan ka walaacsan yahay werarka marka lee fiiryo sumacad daro uga timaada waxyeelada dagaalka ka gaartaa shacabka.

Isku soo wada duub dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaan Ciidamada ayaa ah kuwo dheeli tiran, waxaana socda abaabulo xoogan oo ay dowladda ugu jirto sidii weeraro ballaaran u qaadi laheyd maalmaha soo socda.

Ciidamada Dowladda oo u badan dhalinyaro ayaa markii u horeysay todobaadyo kadib markii ay gaabis noqdeen hadalada goodinta waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan, waxcaana la arkayaa iyadoo ciidamada la geynayo aagaga dagaalka iyo xerooyin dhoowr ah

Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana bilaabay dhadhqaaq,kuwaasi oo dhowaan fariisin cusub ka sameetnray Digfeer, waxaana sidoo kale lagu arkayaa qaar ka mid ah afafka hore ee goobaha ay degan yihiin AMISOM Taankiyo ay la soo baxeeen.

Magaalada Muqdisho ayaa degan marka laga reebo dhadhaqaaqa ciidan, waxaa gaabsi u muuuqda mucaaradka , dadka shacabka ah ayaa ka dhararaya dagaalka oo raba in ay dhan u dhacaan , waxaa had iyo gooraale weerara ku goodiso dowlada, waxaa hadlkii dowlada ka soo baxa ee ugu danbeeyey uu ahaa kii daraad ka soo baxay C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah wasiirada warkooda loo nugul yahay, waxa uuna carabaabay in amaanka ay hananayaan goordhow

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

8 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.