News
Shiikh Maxamuud Maxamed Shibli oo sheegay dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam inuu ahaa mid aan diin ku saleysneyn
Nairobi:-Sh. Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayaa sheegay dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam inuu ahaa dagaal aan diin ku saleysneyn
Shiikh Shibli oo habeenkii labaad oo xiriir ah Muxaadaro ka wada Masaajidka uu imaanka ka yahay ee Masjidka Al- Hidaaya ee Nairobi ayaa sheegay xalay in dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam uusan ku salays neyn diin, isla markaasna uu ahaa dagaal ay dhinacyadaas ku doonayeen hanashada dekada magaalada Kismaayo.
Shiikh Shible ayaa sheegay in aysan banaaneyn qof aan diinta waxba ka garaneyn inuu sameeyo Ijtihaad, isagoo carabka ku adkeeyey in wixii danbi ah ee uu qofkaas Jaahilka ah uu sameeyo qeyb weyn ka qaadanayo qofkii u sheegay ama u baneeyey waxa uu sameeyey.
Shiikha oo markii uu Maxaadaradiisa dhameeyey la weydiiyey su.aalo la xiriira dalka Soomaaliya ayaa Shiikhu jawaab cad ka bixiyey waxyaabihii la weydiiyey, waxaana dadkii Muxaadarada dhageysanayey ay si weyn uga maqsuudeen qaabka aan leexleexadka lahayn ee uu Shiikha uga jawaabayey su.aalaha la weydiinayey.
Waxaa Shiikha Shibli la weydiiyey inuu kala cadeeyo cida ugu saxan dowlada FKMG Soomaaliya, Suufiyada iyo xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna Sheikh sheegay in Suufiyada uu mar danbe si faah faahsan uga warami doono, dowlada FKMG ahna wuxuu sheegay inay tahay DFKM magan u ah gaalo, isla markaasna ayan banaaneyn in miciin la bido.
Sheikha mar uu ka hadlayey Shabaabul Mujaahidiin, waxa uu sheegay in wax ay ku fiican yihiin ay jirto, wax badanna ay ka khariban yihiin, wuxuuna sheegay in wixii ay ku saxan yihiinna uu lagu raaco, wixii ay ku khaldan yihiinna uu laga leexdo, isagoo xarakada Shabaabna ugu baaqay wixii khalad ah ee loo sheego inay qaataan oo ka haraan, hadii ay diin ku socdaan, sida uu Sheikhu sheegay.
Sheikh Shibli ayaa mar kale ka digay Madaafiicda kooxaha Islaamiyiinta ah ay ka dhex tuurayaan shacabka, wuxuuna sheegay in dagaalka lagula jiro AMISOM uu sax yahay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey in wax badan oo aan sax ahayn ay ka socdaan Soomaaliya, loona baahan yahay in la kala hufo, sida uu Sheikhu sheegay.
Shiikha Shible ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhaceen dagaalo badan oo u dhexeeyey Muslimiin, wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii 1992-dii gobolada Bari ku dhex maray wadaadadii Itixaadka iyo jabhadii SSDF, dagaalkii Araare ku dhex maray Al-Itixaad iyo USC, kuwii Kismaayo dhawaan ku dhex maray Xisbul islaam iyo Shabaab, kuwii dhex mari jiray qabiilada Soomaaida, iyo kuwa hada laga baqayo inay ka dhex dilaacaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, wuxuuna Sheikhu sheegay in dagaaladaas oo dhan ay yihiin dagaalo u dhexeeya Muslimiin qiilna aan loo heli karin, sida uu sheegay.


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







