News
Shiikh Maxamuud Maxamed Shibli oo xalay ka hadlay khatarta ay leedahaya daadinta dhiiga qofka muslinka ah
Nairobi:-Shiikh Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano dalkja Soomaaliya iyo dibadiisa ayaa waxaa uu xalay ka hadlay khatarta ay leedahay daadinta dhiiga Muslimka,Shiikh Shibli oo xalay Muxaadaro dhowr habeen socon doonta ku qabtay Masaajidka Hidaaya xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa si xeel dheer uga hadlay inaan sinaba loo fududeysan karin in xaq darro lagu daadiyo dhiiga dadka Muslimiinta ah.
Shiikha Shibli ayaa sheegay in ay danbi weyn oo aan la dhayalsan karin tahay in dadka Muslmiinta ah lagu rido Madaafiic, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in sidda badan Madaafiicda la rido ay ku halaagsamaan dadka Muslimiinta ah, taasoo uu sheegay Sheikhu inuusan jirin qiil baneyn kara.
Shiikha Shibli ayaa akhriyey Aayad quraan ah iyo dhowr iyo toban Xadiith oo ka hadlaya khatarta daadinta dhiiga Muslimka, wuxuuna Sheikhu sheegay in is moodsiis iyo tuhun ayan sinna u banaaneyn in dadka lagu laayo.
Axaadiithta uu Sheikhu akhriyey ayaa waxaa ka mid ahaa Xadiith uu Nabigu ku sheegay in qofka Muslimka ahi uu ka qiimo badan yahay Kacbada, isagoo Sheikhu sheegay in dadka aragti ahaan ay kacbada oo la dumiyo kala weyn tahay dad Muslimiin ah oo si fudud loo laayo, wuxuuna Sheikhu cadeeyey in xiligan uu dhiiga Muslimku noqday mid si fudud leysaga daadiyo.
Sheikha ayaa sheegay in ay sidoo kale xaaraam tahay in dadka Muslminiita ah ay dhexdooda dagaalamaan, isagoo intaas ku daray in ay horey u soo dhaceen dagaalo badan oo dhex maray Muslmiin ay Saxaabo ka mid ahaayeen.
Waxaa xusid mudan in Sheikhu Shibli uu sheegay in uusan cidna si toos ah u bartilmaameedsaneynin, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey cidii iyadu isu qaadata waxa laga hadlayo inay isasaxdo oo ayan diinta alle qeyb ka mid ah ka caroonin.
Sheikha ayaa Muxaadaradiisa sii wadi doona dhowrka habeen ee nagu soo aadan, hadii alle idmo, waxaana idin soo gudbin doonaa muxaadarooyinka Sheikha oo maqal ah, hadii alle idmo


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







