index.php
index.php

News

[ Lead page  | Categories  |  Archive ]

Diyaarad ay lahayd Shirkadda African Express Airways oo maanta shil ku gashay Madaarka M. Boosaaso

Mar, 3  2010 5:57 PM

Diyaarad ay leedahay Shirkadda African Express Airways ayaa maanta shil ku gashay Madaarka Magaalada Boosaaso ee Bander Qaasim gaar ahaan wadada ay Diyaaraduhu ku ordaan marka ay soo dagayaan iyo marka ay duulayaanba (Run Way ),waxayna Diyaaradu gabi ahaan ka beydhay wadadii loogu tala galay

Duhurnimadii maanta ayay  ahayd markii ay diyaaradu shilka gashay mana jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay rakaabkii diyaaradda saaraa oo tiradoodu uu ku sheegay Maareeyaha Madaarka Bader Qaasim C/najiib Samatar Maxamuud  in ay ahaayeen 20 rakaab ah oo ay wehliyeen 6 shaqaale oo isku jiray duuliyayaashii diyaaradda iyo shaqaalaha kale ee u adeega rakaabka diyaaradda.

Howl wadeenada Madaarka ayaa sababta shilka ku sheegay in diyaaraddu markii ay soo dagaysay ay xawaare aad ah ku socotay xawaarahaasina uu keenay in ay ka weecato marinkii loogu tala galay.

Howladeeno ka tirsan Shirkada African Express Airways ayaa shilka ku sheegay in uu yahay kaliya wadada ay ka baxday balse aysan jirin cilad kale oo la soo daristay diyaaradda .

Shirkadda African Express Airways ayaa mudo dhow ka howl bilowday deegaanada Puntland waxuuna shilkani noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay deegaanada Puntland ku gasho diyaarad ay leedahay Shirkadda African Airways Express

 

youtube


Caano shubkii Garaad Ismaaciil
 

 

 

CUQAAL JS

Wararkii u dambeeyey

Who is online

6 anonymous users and 0 registered users online.

You are an unregistered user or have not logged in. You can register here.