News
Qaar ka Mida Wasiirada Maamu Goboleedka Puntland oo Saaka Lagu Dhaariyey Garoowe.
Garoowe:-Waxaa saaka lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada dowlada Puntland ee Garoowe qaar ka mid ah Wasiiraddi uu xalay magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroole waxaana ka mid ah wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada la dhaariyey .
1.Wasiirka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Dr.Dauud Maxamed Cumar
2.Wasiirka Dekaddaha iyo gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage
3.Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xassan Faarax Jaamac
4.Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Prof.C/qaadir Cabdi Xaashi
5.Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/qani Salaad Yuusuf
6.Wasiir Kuxigeenka arimaha gudaha iyo Dowladdaha Hoose Cabdi Yaasin Xirsi
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad kooban ka jeedshay xaflada lagu dhaariyey wasiirada cusub wuxuuna kula dardaarmay in ay si daacad iyo karti ah u gutaan xilka loo dhiibay .


Waraysi dheer oo dhinacyo baadan taabana oouu bixiyey Garaad Abshir Salaax







