Jidbaale oo muddo haantan laga joogo bil iyo maalmo saadaalin uu soo bandhigay ku sheegay in golaha wasiirada Puntland laga saari doono xubno kuwo kalena lagu soo dari doono ayaa sidii Jidbaale.com u saadaaliyey maanta ku soo baxday Liiska magacyada golaha wasiirada Puntland, waxayna ahayd saadaashaasu in Golaha wasiirada laga saari doono wasiirada kala ah Faarax Aadan Dhalac wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga, laguna badeli doono Daa,uud Bisinle, halka C/laahi Cali Xirsi Timacade oo ahaa wasiirka Warshada iyo Ganacsigana lagu badeli doono Xasan Faarac Jaamac (Xasan Geerash)
Haddaba xubnaha Cusub ee ka soo jeeda SSC waa kuwama, Taariikhdooduna halkay salka ku haysaa
Daa,uud Bisinle
Dr. Daa,uud Bisinle oo laga dhigay wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah wuxuu wax ku soo bartay dalka Suudaan wuxuuna ka mid yahay wadaadada magaalada Laascaaanood kuwooda ugu caansan wuxuuna hore u ahaa guddoomiyaha shirkada Isgaadhsiinta ee STG, waxa kale oo aad loogu yaqaanay magaalada Laascaanood kaalinta waxbarashada oo uu qayb libaax ka soo qaatay sannadihii ugu danbeeyey isaga oo ka furay magaalada Dhawr iskuul , waa nin haddii uu shaqeeyo hawlaha kaga dhabayn kara ,inkasta oo uu xidhiidh dhaw la leeyahay wadaadada haddana waa nin lagu yaqaano hawlkar-nnimo hadduu hawl u dhaqaaqana ka soo dhalaali kara, inkasta oo aan la garan karin dib u soo celinta Laascaanood halka uu iska taagi doono , taas oo ay ayaamaha soo socdaa inoo sheegi doonaan haddii rabi idmo, marka laga yimaado raadka ay ku leeyihiin wadaadada ku dhaqan Somaliya Dr. Daa,uud Bisinle hadana waa nin aqoon iyo fikirba xanbaarsan waxna ku biirin kara maamulka Puntland kol uu isu soo dhaweeyo maamulka iyo wadaadada, hasa yeeshee waxaa aad laysu weydiinayaa arrimaha xilligan ku riixay in uu Daa,uud Bisinle ku biiro golaha xukuumada Puntland maadaama uu ahaa shakhsiyad xidhiidh dhaw la leh wadaadada.
Xasan Geerash.
Xasan Faarax Xasan Geerash ayaa isagu waxa uu hore u ahaan jiray sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliya, muddana waxa uu ka soo sheqeeyay Barbara, dawaladda Soomaaliya ayaa uga burburtay isaga oo ah Gudoomiyaha degmada Buuhoodle, intii ka danbaysay wuxuu ka mid ahaa raggii aadka ula soo shaqeeyey Maamulka Hargaysa, wuxuuna ahaa taliyaha malayshiyada maamulka Hargeysa ee gobolka Sool, markii danbena waxa uu noqday ku xigeenka Faysal Cali Waraabe ee Ururka UCID, oo sannadkii 2004 afarta caydhiyey ka diba markii Xasan Geerash ka sheegay magaalada Laascaanood in uu xidhiidh soke lalahaa C/laahi Yuusuf intuu ku sugnaa Magaalada Hargeysa.
Xasan Geerash ayaa intii danbe dhawr jeer isu soo sharaxay jagada madaxweynaha Puntland Xildhibaan iyo waliba xilal kale , waxaana aad loogu yaqaanaa in uu xidhiidh dhaw la lahaa saraakiisha Hargeysa Gaar ahaan Nuux Taani . Xasan Geerash oo waraysi lala yeeshay sanadkii 2004 ayaa waxa uu sheegay in uu isagu ka mid ahaa raggii keenay malayshiyada Hargeysa haddii Puntland xil looga dhiibana uu soo celin doono dhulka maqan, waraysigaas oo uu bixiye mar uu isa soo sharaxay sanadkii 2004, waana arrimaha hadda ay dad badani isweydiinayaan sida uu ka yeeli doono. waxaa lagu tilmaami karaa magacaabista xilligan Xasan Geerash mid ku timi xidhiidh gaar ah oo ay wada sameeyeen madax dhaqameedka qaarkood iyo madaxda sare ee Puntland sida C/samad Cali Shire, hasa yeshee waxa aad laysu weydiinayaa xaalka Xasan Geerash iyo sida loo aamini karo maadaama uu dhawr jeer marba dhinac u diga rogtay waxaana , dadka qaarna isba weydiinayaan in ay dhici karto sidii uu ku talaabsaday wasiirkii waxbarashada ee Puntland sanadkii 2004 Xasan Maxmuud Dhiilood kaas oo isaga oo wasiir ah u fakaday Hargaysa, Arrimo badan oo dhacay awgoodna aan la saadaalin karin sida loogu kalsoonaan karo xubno badan oo maanta ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo Golaha wakiiladaba .
Dadka indha indheeya siyaasadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu Faroole qaatay qorshihii golaha Wasiirada looga safaynayey xubnaha Xorayn doonka ah iyada oo aad loogu soo kordhiyey golaha wasiirada xubnaha xidhiidhka dhaw laleh madaxtooyada Hargeysa taas oo muujinaysa in ay sii fogaatay talaabooyinkii Puntland u qaadi lahayd dhinaca Xoraynta deegaanka Maqan, waxayna sheegeen in maanta bulshada SSC u sii cadaatay xukuumada Puntland qorshaheeda taas oo shacabka deegaanka SSC ku sii dheeri galin karta in ay iyagu iskood u qalab qaataan oo ay deegaankooda wax ka qabtaan, golaha Khusuusigana aad looga midha dhaliyo.
Labada wasiir Faarax Dhalac iyo C/laahi Timacade ee xilqadaadista lagu sameeyey ayaa iyaguna soo dhaweeyey xilka qaadista lagu sameeye waxayna sheegeen in xilka looga qaaday markii ay cadeeyeen mawqifkooda ku aadan dalka maqan , maamulka Puntland waxba ka qaban waayey arrintaasi, inkasta oo Faroole laga filayey isbadel mugweyn oo kalsoonida dadka soo celiya haddana waxaa muuqata in aanu wali Faroole kolsiini lagu soo hiran karo ku talaabsan gaar ahaan Bulshada Sool, Sanaag Iyo Cayn isbadelkii ay ka filayeen golahan wasiirada kama muuqdo waxayna dad badan u arkeen in golaha laga soo buuxiyey kuwii Hargeysa xidhiidhka dhaw la lahaa.
Waxaan iyaga waxba laga badelin xubno badan oo lagu eedeeyey in ay ku talaabsadeen falal guracan sida shirqoolo iyo arrimo kale kuwaas oo wali golaha wasiirada Puntland xubno ka sii noqon doono sida wasiir ku xigeenka maaliyada C/halas Qawdhan , dadbadana u arkaan in ay tahay arrimaha ay ku guul daraysteen madax golaha fulinta ee Puntland halkii laga filayeyna ay ka hoos mareen, iyaga oo markii horeba shacbiyad xumo la dhutinayeyna hadda afganbiga sii goosteen.
Xubnaha SSC Ee Golaha Wasiirada Puntland
Xasan Faarax Jaamac (XASAN GEERASH) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Oo lagu badelay C/laahi Timacadda
Daauud Bisinle Wasiirka Qorshaynta iyo X. Caalamiga Oo lagu badelay Faarax Aadan DhalacDahir Xaaji Khaliif Wasiirka Hawlaha Guud
Maxamed Faarax ciise Gaashaan. Wasiirudawlaha Arimaha Dawlad Wanaaga
Wasiir Axmed Cilmi Osman (Karaash) Wasiirka Duulista iyo Garoomada
Enj. Maxamed Faarax Aadam Wasiirka Kaluumaysiga, Khayraadka Badda
Cabdi Qawdhan Warsame (Cabdi Halas) W/K Maaliyada (Xubintii ka danbaysay shirqoolka madax dhaqameedka oo aan isaga la badelin.
Maxamed Ciise Lacle W/K Dekadaha
C/raxmaan Diiriye Carab. W/K Waxbarashada
Dr.Maxamed xirsi ducaale W/K Caafimaadka
Xigasho Jidbaale.